WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Warbixin xasaasi ah Axmed Madoobe oo weerar ku qaaday Turkiga & Qatar-Video

Muqdisho (HM)-Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa maanta fariin adag u diray sadex kamid ah dowladaha xidhiidhka dhaw la leh dowlada  Soomaaliya kana taageera dhinacyo kala duwan.

Axmed Madoobe oo maanta ka hadlayey Munaasibadda furitaanka Kalfadhiga Labaad ee Baarlamaanka Jubaland  ayaa carabka ku dhuftay dowladaha Turkiga, Qatar iyo waliba Dowladda Itoobiya oo kamid ah dowladaha Soomaaliya ka taageera dhinaca Ciidamada iyo sidoo kale dhaqaalaha , waxa uuna ugu baaqay dowladahaasi in ay joojiyaan taageerada ay siiyaan dowlada federeaalka ee Soomaaliya gaar ahaan Dowladda uu hada hoggaamiyo Maxamed Cabbdilahi Farmaajo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Madaxweynaha maamulka Jubbaland ayaa sheegay in ciidamada Turkiga u tababarto dowlada federaalka loo adeegsanayo bur burinta dowlad goboleedyada, waxa uuna ugu baaqay dowlada Turkiga in ay ka fiidhisato isla markaana ay faraha kala baxdo  ciidamada ay dowlada Soomaaliya u tababareyso.

“Qatar waxaa leenahay Lacagta bixineyso jooji oo dhibaatada dalka ku ah, Turkey ciidanka tababareyso jooji dowlad wax lagu aamino ma joogto, Itoobiya waxaa leenahay Saraakiishada dhaqanka xun ee socsocota jooji,” ayuu yiri Axmed Madoobe.

Axmed Madoobe ayaan wax eedeyn ah u jeedin dowlada Kenya ee xiriirka dhaw la leh maamulkiisa xili Kenya faragalin muuqata ku heyso arimaha gudaha Soomaaliya gaar ahaan dhinaca Jubbaland .

dhinaca kale

wararka naga soo gaadhaya Gobolka Gedo gaar ahaan degmada Baled xaawo ayaa sheegaya in ciidamada dowlada Soomaaliya ee ku sugan degmada Balad Xaawo ee gobolkaasi uu isku soo dhiibay Wasiir kuxigeenka Wasaarada arimaha Gudaha ee maamulka Jubbaland Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen.

Masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ciidan ayaa soo dhaweeyay Wasiirkan kasoo goostay maamulka Jubbaland Degmada Doolow oo hada joogo., soo goosashadan wasiirkan ayaa la sheegay in ay ku timid wadahadal hoose dhexmaray Saraakiisha Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Gobolka Gedo iyo wasiirka.

Talaabada uu wasiirkan uga soo goostay maamulka Jubbaland ayaa waxa ay dhabar jab ku tahay maamulka Axmed Madoobe, mana jiro ilaa hada wax war ah oo arintan kasoo saareen maamulka Jubbaland.

SOMALI NEWS

To Top