WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Warbixin lagu qaadaay dhigay muranka iyo Mooshinka u dhaxeeya Hay,addaha Dowladda Soomaaliya ee fulinta iyo Sharci dejinta-Video

Murankii u dhexeeyey Baarlamanka Soomaaliya ayaa shaley waxa uu galey dagaal adag oo dhanka waraaqaha ah oo dhex marayey heyadihii ugu sareeyey dowlada Soomaaliya.

Qoraalkii ugu horeeyey waxaa soo saarey gudiga baaritaanka qilaafkan uu u saaray Aqalka Sare ee Baarlamanka, kaasoo faraayey gudoonka baarlamanka in loo hogaansamo dastuurka iyo sida uu qabo oo mudo 10 cisho gudaheed ah lagu horkeeno Baarlamanka.

Waxaa markiiba warqad kale uga jawaabey gudoomiye ku xigeenka Baarlamanka Abdiwali Muudey oo sheegey in xildhibaanadu isu yimaadaan 31ka bishan.

Waxaa iyana ka danbeysey gudoomiyaha labaad ee Baarlamanka Mahad Cawad oo sheegey in qoraalkaasi uu yahay wax kama jiraan, oo aan la soo marsiin hanaan sax ah.

HALKAN KA DAAWO WARBIXIN KU SAABSAN

SOMALI NEWS

To Top