WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Warbixin ku saabsan sida Ganacsatada Muqdisho uga amar qaataan Al-shabaab oo lasoo Bandhigay-Video

Muqdisho ( HM ) Telefishinka Universal ayaa soo bandhigay soo Bandhigay Sida Ganacsatada Muqdisho ay uga amar qaataan Kooxda alshabaab, Iyadoo  Ganacsatada magaalada Muqdisho  u hoggaansameen amar kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo loogu sheegay inay kaamirada qarsoon ee CCTV ka fujiyaan goobahooda ganacsiga.

Shabaab ayaa ganacsatada u sheegtay in kaamirada CCTV ee ku jeeda wadooyinka caasimadda, siiba Wadadda muhiimka ah ee Maka Al-Mukarama oo inta baxan qaraxyadu ka dhacaan, ay gebi ahaanba fujiyaan.

Ganacsatada ayaa loo ogolaaday kaliya in gudaha xarumahooda ganacsiga ay ku dhejistaan kaamirada, si ay uga ogaadaan ama ugala socdaan tuugada, balse aysan marnaba kaamirada kusoo jeedin waddooyinka.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Baaritaan uu arrintan ku sameeyey taleefishinka Universal ayaa xaqiijisay in xarumaha Bankiyada, Hoteelada iyo Carwooyinka iyo ganacsiyada waa weyn ay wada aqbaleen amarkii kooxda Al-Shabaab.

Sababta Al-Shabaab ay amarkan usoo saartay ayaa lagu macnaeeyey inay kaga hortageyso in kaamerooyinkan CCTV ee ku dhegan xarumaha Ganacsiga, siiba kuwa wadooyinka ku jeeda ay duubeen muuqaallo marka dib loo daawaday sahlay in la daba galo gawaari ku qaraxday wadooyinkaasi, kadibna lagu soo qabtay dadkii ka dambeeyay qaarkood oo maxkamad lasoo taagay.

Tallaabada Al-Shabaab ayaa u sahlaysa inay weeraro cusub ka fuliyaan magaalada ayaga oo aan ka cabsi qabin daba-gal, waxaana la sheegay in hay’adaha Amniga Dowladda Somalia aysan weli la iman kaamirooyin u gaar ah.

SOMALI NEWS

To Top