WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Taliye ku Xigeenkii Sirdoonka Soomaaliya oo is Casilay Kadibna Sirtii Dowladda Farmaajo Banaanka keenay-Video

Taliye ku xigeenkii Hay’adda Nabad Sugida Cabdisalaam Yuusuf Guuleed ayaa wareysi uu bixiyay kaga hadlay sabibii ka dambeeyay inuu xilkaas iska casilo.

Isagoo ku sugan dalka Ingiriiska ayuu Cabdi Salaam sheegay in sababaha ugu weyn ee uu isku casilay ay tahay in isbadalkii uu filayay iney ka dhici doono taliska NISA uu fashilmay.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Sidoo kale, waxaa uu wareysigan uga hadlay arimo xasaasi ah oo ku aadan shaqooyinka NISA iyo arimo badan oo la xariira qaabka ay ushaqeeyaan iyo qalabka ay ku shaqeeyaan.

Inkastoo madaxweynaha uu dalka ka maqan yahay, hadana waxaa warqada iscasilaada go’aan ka gaari kara oo la tashiyo ka sameynaya Ra’isul wasaaraha iyo Wasiirka Arimaha gudaha

SOMALI NEWS

To Top