WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:Faysal Cali Waraabe oo ka xanaaqay Somaliland iyo Shirkii Burco“Intii aynu isku Dili Lahayn aynu Soomali wax la qaybsano,,-Video

Faysal Cali Waraabe  oo kamid ah Musharixiinta u taagan Xilka Madaxwayne ee Doorashada dhowaan la Filayo inay ka qabsoonto  maamulka Somaliland,  oo  magaalada Nairobi  ugu Waramay BBC   ayaa si adag uga hadlay Xaalada ay Xiligan Marayso Somaliland.

Faysal ayaa si adag uga Cadhooday Shirkii Beelaha Habar-awal iyo Habarjeclo ay ku Qabteen magaalada Burco, Kuwaasi oo sheegay inay soo saari donaan Muuse Biixi Cabdi, Wuxuuna sheegay inay dib loogu Noqday 1994-tii iyo Xiligii Colaaduha u dhexeeya Beeluhu  ka jireen Gobolada Waqooyi.

HALKAN RIIX DAAWO VIDEO

Wuxuu xusay intii la isku dili lahaa, in wax lala Qaybsado Soomaaliya, Waxaana la waydiiyey Su’aalo kala duwan.

Hadalka Faysal ayaa wuxuu imaanayaa Xili ay Guddiga Doorashooyinka Somaliland ku  dhawaaqeen tirada guud ee codbixiyaasha doorashada madaxtooyada ee lagu wado in la qabto 13-ka bisha soo socota.

SOMALI NEWS

To Top