WARARKA SOOMAALI

Daawo Waraysi:-Xaaladda Tukaraq Shacabka oo ka cabanaya amaan xumo iyo Cabsi xooggan oo ka taagan Deegaanka-Video

Wararaka ka imaanaya Maanta Degaanka Tukaraq ee gobalka Sool ayaa sheegaya in Ciidamadda Somaliland iyo Puntland isku horfadhiyaan degaankaas oo horey Maamulka Somaliland ugula Wareegay Puntland.

Labada Ciidan ee Puntland iyo Somaliland ayaa hub culus keensaday agga dagaalka Tukaraq ,Waxaana gabi ahaan ka qaxay degaanka Tukaraq dadkii shacabka ahaa ee kunoola ,Waxaana cabsi xoogan laga qabaa in dagaal xoogan uu ka qarxo tukaraq oo Garowe u jirta 70 KM.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maxamuud Mirre Nuur oo kamid ah dadka u dhaq dhaqaaqa Arrimaha Bulshadda kuna sugan Tukaraq ayaa sheegay in xaaladda degaanka maanta tahay mid kacsan ,isla markaana xiisad dagaal kajirto.

Wuxuu shegay in dadka intiisi badnayd magaaladda ay ka qaxeen,isla markaana xaaladu tahay mid aad u kacsan maadama labada Ciidan hub culus keensadeen goobaha colaadu kajirto.

SOMALI NEWS

To Top