Garoowe ( HM)-Wasiirka Dekedaha iyo gaadiidka Badda ee Puntland Siciid Maxamed Raage ayaa sheegay in Ciidamada PSF iyo PMPF ee ka howlgala Puntland, aysan ka amar qaadan Puntland, Islamarkaana ay Mar kasta ku shaqeeyaan Amarada Cidda Mushahaarka siisa oo uu ula Jeedo (Mareykanka iyo Imaaraadka) oo Ciidamadan Maalgaliya.
Wasiirka Ayaa qiray iney Jirtay Kala daadsanaan dhinaca Amniga ah, Iyadoo todobaadkii u danbeeyay lagu dilay Magaalada Boosaso Madaxii Shirkadda Dp World ee Boosaso Paul Anthony Formosa.
Magaalada Bosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland waxa ay saldhig u tahay ciidamada ugu xoogga badan Puntland, uguna dhaqaale fiican. Ciidamadaas ayaa kala ah Ciidanka Difaaca Puntland ee loo yaqaan PSF (Puntland Security Force) iyo ciidanka Booliska Badda ee ayana loo yaqaan PMPF oo ay maalgaliso dowladda Imaaraadka Carabta.
HALKAN KA DAAWO WARAYSI
Labada ciidanba waxaa saldhig u ah magaalada Bossaso. Isla magaalada Bossaso ayaa labadii sano ee ugu danbaysay waxaa soo wajahay ammaandarro sababtay in ganacsatadii qaar la laayo, qaar ururada argagixisada ee Daacish iyo Al-Shabaab ay canshuur ku soo rogaan, qaarna aysan guryaha ka soo bixin amaba ay magaaladii isaga cararaan.
Dhibka intaas le’eg intii uu socday badanaa hoggaamiyayaashii ciidamada ammaanka Puntland waxa ay noqdeen kuwo isu sharraxa xil Madaxweyne Puntland iyo kuwo isu sharraxa Xildhibaano.
Xilligii ololaha doorashooyinka Puntland, musharrax Siciid Cabdullaahi Deni, haddana ah Madaxweynaha Puntland, ayaa si fiican farta ugu fiiqay dhibka iyo musuqa ka dhextaagan ciidamadii ammaanka ee la rabay in ay sugaan amniga magaalada Bossaso. Deni ayaa ballan ku qaaday in uu wax weyn ka baddali doono nidaamka amni ee Puntland iyo habmaamulka jira.
Hadaba xaalada Boosaaso, Ciidamadii Garoowe ka tegey ee la Geeyay, Ciidamada Badan ee ku sugan waxaa laga waraystay Wasiirka Dekedaha iyo Gaadiidka Badda Puntland Siciid Maxamed Raage Wuxuuna xusay in ciidamada PSF iyo PMPF aysan ka amar qaadan Puntland.