WARARKA SOOMAALI

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Dabka Suuqa Xamarweyne

Khasaaro hantiyadeed oo farabadan ayaa ka dhashay Dab xooggan oo xalay fiidkii hore ka kacay Suuqa degmada Xamar-weyne ee magaalada Muqdisho, dabka ayaa markii hore ka kacay suuqa qeybta Masjidka Marwaaz.

Dabka oo mudo daqiiqado socday ayaa kusii faafay qeybta Dahablaha iyo kawaanka Hilibka ee Suuqa Xamar-weyne, isla markaana waxa uu dabka socday laba saacadood oo xiriir ah, iyadoona markii dambe lagu guuleystay in la demiyo dabkaasi kacay.

Gaadiidka dab demiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo kuwa Shirkaddaha Isgaarsiinta iyo dadweyne farabadan ayaa ka qeyb qaaday deminta dabka, waxaana ka dhashay khasaaro hantiyeed oo baaxad leh, kadib markii uu baahay dhul aad u ballaaran.

Bukhaari Milkiilaha oo ah milkiilaha Carwa Xul Style ayaa sheegay in dabkan uu ku waayay dukaankiisa, wuxuuna sheegay inuu ku basbeelay dabka ka kacay Xamar-weyne.

Muddooyinkiii u dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacday Bakaaraha iyo xaafado kale oo ku yaal caasimada.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO: Wararkii ugu danbeeyay Khasaaraha Dabka Suuqa Xamarweyne
To Top