Muqdisho (HM) – Khilaaf diblomaasiyadeed oo u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya ayaa cirka isku shareeray wuxuuna salka ku hayaa arrimo ku saabsan muranka lahaanshaha meelo ka mid ah xadka dhinaca biyaha ee u dhaxeeya labada waddan.
Dowladda Kenya ayaa shalay oo Sabti ahayd u yeertay danjiraheeda u fadhiya Soomaaliya iyadoo sidoo kale safiirka Soomaaliya ee Kenya ku amartay inuu dalkeeda ka baxyo.
Waxay tallaabadaasna u sababeysay eedeyn ay Soomaaliya ugu jeedisay iney beecineyso saliid ku jirta dhul ay Kenya leedahay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Balse waxaa soo baxaya aragtiyo xoog badan oo sheegaya in Kenya ay arrintan uga gol leedahay si ay Soomaaliya ugu cadaadiso in murankii badda ee labada dal u dhaxeeyay wada hadal hoose laga furo.
Horay ayey labada dal ee dariska ah isugu khilaafeen milkiyadda dhul badeed u dhow xadka biyaha ee kala qeybiya, waxayna labada xukuumadood mid waliba sheeganeysay iney iyadu leedahay.
Maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda, oo magaceeda loo soo gaabiyo ICJ ayuu hor yaallaa kiis ku saabsan arrintaas, taasoo la filayo iney go’aan kama dambeys ah kasoo saarto cidda sida saxda ah u leh dhul biyood kaas.
Laakiin dadka u dhuun daloola xaaladdan waxay marar badan sheegayeen in Kenya aysan rajo sidaas u sii weyn ka qabin iney guul kasoo hoyiso kiiskaas, iyadoo taas baddalkeedana u xusul duubeysay in wada xaajood hoose ay furaan labada dowladood.
Wada hadal noocaas ah ayaa horseedi kara in labada dowladood ay si iskood ah xal uga gaaraan muranka.
Dr Cabdiwahaab Sheekh Cabdisamad, oo ah aqoonyahan ka faallooda arrimaha gobolka ayaa BBC-da u sheegay in arrintu ay u muuqato mid waji kale wadata.
“Dad badan oo Soomaali ah waxay tuhunsan yihiin in xiisadda Diplomaasiyadeed ee Kenya ay soo cusbooneysiisay ay tahay istiraatiijiyad looga gol leeyahay in Soomaaliya lagu cadaadiyo sidii muranka badda ee labada dal u dhaxeeya loogu xallin lahaa si hoose oo ka baxsan maxkamadda ICJ”, ayuu yiri.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu intaas ku daray: “Dadka Soomaaliyeed waxay aaminsan yihiin in Kenya ay ka faa’iideysatay tabaryarida dowladdooda, taasina ay u sahashay iney biyahooda sheegato, maadaama lahaanshaha biyahaas uusan muran ka taagneyn markii ay Soomaaliya ka jirtay dowlad awood badan”.
Kiiska maxkamadda ICJ ka hor, Kenya waxay ku doodeysay in dhul badeedkaas ay Somaliya heshiis kala saxiixatay hannaanka xallinta muranka badda.
Balse Soomaaliya oo arrintaas ka biya diidday ayaa go’aansatay in ay xaajada hor geyso maxkamadda ICJ ee Qaramada Midoobay.
Kenya ayaa dhankeeda maxkamadda u gudbisay kiis ay uga soo horjeeddo in ICJ ay furto dhageysiga dacwadda.
Hase yeeshee, bishii Febraayo ee sannadkii 2017-kii ayey Maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada Midoobay go’aan ku gaartay inay dhageysan karto dacwadda ku saabsan muranka badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.
Xaakimiinta Maxkamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.
Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen.
Safiirka Soomaaliya u fadhiya Kenya Maxamuud Axmed Nuur Tarsan ayaa dib ugu laabtay Muqdisho, ka dib markii ay dowladda Kenya amar ku siisay inuu xafiiskiisa albaabada u laabo isla markaana faarujiyo Kenya.
waxaa lagu soo warramayaa in shirar ku saabsan arrintan ay maanta oo Axad ah ka socdaan madaxtooyada Soomaaliya.
Ilo wareedyo lagu kalsoonaan karo ayaa BBC-da u sheegay in go’aankan kahor, Kenya ay dowladda Soomaaliya u dirtay warqad ay uga dalbanaeyso in raaligelin ay ka bixiso arrinkaasi beecinta shidaalka ah, dibna ug laabato.
Hasayeeshee, dowladda Soomaaliya ay ka gaabsatay inay ka jawaabto walaaca Kenya ay qabto.
Xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Macharia Kamau aya sheegay in Kenya aysan marnaba iska indha tiri doonin arrinkan.
“Xadgudubkan aan wax loo dhiga lahayn ee sida sharci darrada lagu xoogayo hantida dadka reer Kenya, ma ahan mid laga aamusi karo, wuxuuna u dhigmaa fal cadawtinimo oo ka dhan ah dadka reer Kenya iyo hantidooda”.
Kamau ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay in arrintan si wadajir ah looga hortago.
“Xaraashkan gardarrada ah wuxuu u qalmaa in laga hortago, dadka reer Kenya si wada jir ah ayay uga hor-imaan doonaan, waxaa sidaas si la mid ah uga hor-imaan doono dadka samaha jecel oo dhan ee aaminsan ilaalinta sharciyada caalamiga ah, iyo in si nabadgelyo ah oo xeerarka waafaqsan lagu xalliyo murannada,”. Sidaa waxaa war qoraal ah ku sheegay xoghayaha joogtada ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Kenya Mr Kamau.