Boorame ( HM )Waxaa markii ugu horaysay Warbaahinta la hadlay Saraakiisha Hogaaminaysa Jabhadda [Cawaale] ee looga dhowaaqay Galbeedka Somaliland, Kuwaasi oo sheegay inay Gacanta Somaliland ka bixin doonaa Gobolada Awdal iyo Salal, Waxayna sidoo kale soo Bandhigeen Cududooda ciidan.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Sarkaakiisha ayaa sheegay inay Naftooda u hurayaan, Waxayna xuseen in Jabhadii SNM ee dagaalka gashay ay Markii hore ku bilaabatay dhowr qof.
Shacabka Gobolka Awdal ayaa ugu baaqeen inay Isku diyaariyaan Duulaanka ay kusoo qaadi doonaan Gobolka ee ka dhanka ah Somaliland.
“Ogolaansho ayaan ku joognay markii hore Somaliland, Balse waa nala nacsiiyey, Reer gaar ah ayaa yeeshay, Mujaahidiiintii Gobolka Awadal waa anaga, Gobol kasta wuxuu leeyahay Mujaahidiin u gaar ah” .
Arintan ayaa kusoo beegmaysa iyadoo dhowaan dagaal uu ka dhacay Gudaha Boorame, Kadib markii ay Weerar soo qaaday Jabhad uu hogaamiyo Sulaan Wabar, Waxaana sidoo kale Jabhad kale oo ka dhan ah Somaliland ay ka jirtaa Gobolka sanaag, taasi oo Kornayl Caarre Hogaamiyo.