WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Wararkii ugu dambeeyay ee G.Gedo & warbixin xasaasi ah oo ku saabsan xuduuda labada dal-Video

Beled Xaawo (HM) – Waxaa maanta daganeyd xaaladda guud ee magaalada xuduudda ku taallo ee Baladxaawo kadib markii shaley ay halkaasi ka dhaceen dagaallo u dhaxeeyey ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Jubaland, ee oo uu hoggaamiyo wasiirka amniga Cabdirashiid Janan.

Dagaalkii shalay, oo ay ku dhinteen 5 qof halka ay ku dhaawacmeen in ka badan 15 qof, ayaa sababay in ciidamadii Cabdirashiid Janan laga saaro guud ahaan magaalada, iyagoo gudaha u galay magaalada Mandheera ee dalka Kenya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Guddoomiye ku-xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji (Macalimoow) oo ka mid ah saraakiisha ku sugan Beledxaawo ayaa  warbaahinta  u sheegay inay jiraan dad shacab ah dhaawacmay iyo kuwa guryahoodii waxyeelo soo gaartey.

Sidoo kale guddoomiyaha ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid dagan isla markaasna ay si buuxda gacanta ugu hayaan ciidamada dowladda.

Macalimow oo wax laga waydiiyey halka ay ku sugan yihiin ciidamadii uu hoggaaminayey Cabdirashiid Janan ayaa sheegay inay hadda ku sugan yihiin meel 20km u jirto magaalada Mandheera oo ah xero ay leeyihiin ciidamada Kenya.

Ciidamada uu hoggaaminayey Janan ayuu ku sheegay inay tiro ahaan gaarayaan illaa 40 askari, isagoo intaas ku daray in 20 kamid ah askartaas ay lasoo xiriireen ciidamada dowladda si ay isugu soo dhiibaan.

Guddoomiye Macalimow ayaa xusay in wasiir Janan iyo ciidankiisa ay shalay si dirqi ah kaga badbaadeen ciidamada dowladda oo qarka u saarnaa inay gacanta kusoo dhigaan, sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambeyntii guddoomiye Macalimow ayaa sheegay inuu ka xun yahay dhibaatadii ka dhalatay dagaalkii shalay.

 

SOMALI NEWS

To Top