WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Wararkii ugu dambeeyay Dowladdii Dalka Sweden oo la riday

Dowladdii Sweden ayaa la riday kadib markii Stefan Lofven uu noqday ra’iisul wasaarihii ugu horreeyey dalka ee waaya codka kalsoonida, taasi oo macnaheedu yahay inuu is-casilo ama ku baaqo doorasho deg deg ah.

Mooshinka codka kalsoonida ayaa lagu ansixiyey ayada oo ay taageereen aqlabiyadda xildhibaano gaaraya 181 oo ka mid ah 349-ka kursi ee baarlamanka.

Mooshinka ayaa waxaa Khamiistii diiwaan geliyey xisbiga midigta-fog ee Sweden Democrats (SD), kadib markii Lefty Party, oo taageerayey dowladda uu ku dhowaaqay inuu qorsheynayo inuu taageero mooshinka, si uu ashtako uga muujiyo mashruuca ay dowladda ku qafiifineyso xakameynta kirada guryaha, taasi oo ay ugu yeereen tallaabo lagu weeraray hanaanka bulsho ee Sweden.

Xisbiga muxaafadka ee Moderate Party iyo xisbiga Christian Democrats ayaa sidoo kale deg deg ugu dhowaaqay inay taageerayaan tallaabadan, taasi oo xaqiijisay aqlabiyad.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top