Inta la xaqiijiyay saddex askari iyo hal sarkaal oo ka tirsan Ciidamada dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku dhintay tiro kalena waa ku dhaawacmeen dagaalka weli ka socda buuraleyda Af-urur ee Gobolka Bari.
Malayshiyaadka Al-shabaab ayaa aroortii hore ee saaka weerar hoobiyaal ku bilowday ku qaaday saldhiga Ciidamada Puntland ee degaanka Af-urur halkaas oo dagaal ku dhexmaray labada dhinac.
Wararku waxay sheegayaan in dagaalku weli ka socdo dhulka buuraleyda ah ee ku dhow degaanka Af-urur.
Saraakiisha Ciidanka Daraawiishta Puntland ayaa sheegay in ay dagaalka ku dileen 12 xubnood oo ka tirsan Al-shabaab oo ay ku jiraan saraakiil sare.