Muqdisho (HM)-Waxaa sare u kacay tirada dadka u dhintay cudurka Corona gudaha wadanka Spain oo ay waxay gaartay 1,002,iyadoo ku dhawaad 20,000 qof uu ku dhacay cudurka gudaha Spain halka 1,588 ay ka bogsadeen cudurka.
Tirada ugu geeriyootay cudurkan gudaha qaaradda Yurub ayaa kor u dhaaftay shan kun oo ruux.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Waaxda daryeelka caafimaadka UK ayaa waraaqo u dirtay in ka badan 65,000 oo dhakhaatiir iyo kalkaaliyeyaal howlgab noqday, iyadoo ka codsaneysa inay ku soo laabtaan shaqada si ay uga qeyb qaataan la dagaallanka fayraska corona.
Dhanka kale, dowladda ayaa codsatay in dhammaan isbitaallada la geeyo qalabka loogu talogalay la dagaallanka cudurkaasi.
Dalka UK, 144 qof ayaa fayraska Corona u dhintay, halka 3,269 oo qofka laga helay xanuunka Covid-19.
Koonfur Afrika waxay xaqiijisay in haatan 205 qof ay gaareen dadka uu cudurkan ku dhacay, balse waxaa ay tiradan ay sare u kacday 24kii saacadood ee la soo dhaafay.
Wasiirka caafimaadka Zweli Mkhize ayaa sheegay inuu filayay in kiisaska ay sare u kacaan isla markaana ku qiyaasay in boqolkiiba 60 shacabka dalkaas ay halis ugu jiraan inuu ku dhaco cudurka Corona.