Muqdisho (HM)-Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa maanta oo Arbaca ah cod u qaadi doono in ay xilka laga xayuubiyo madaxweyne Donald Trump iyo in kale.
Kulan ay ku yeelan doonaan xarunta Aqalka ee magaalada Washington. D.C ayay dhamaan xubnaha Aqalka Wakiilada cod u qaadi doonaan laba qodob oo dastuuri ah oo ay u kucsanayaan xil-ka-xayuubinta madaxweynaha.
Lama oga tallaabadan ay qaadi doonaan xubnaha Aqalka Wakiilada kaddib marka ay maanta doodaan arintan, hasse ahaatee waxaa jirta hadal heyn weyn oo ku saabsan tallaabada uu Congress –ku qaadi doono.