WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Waa kuma Jilaaga Gabadha Soomaliyeed qaba ee laga helay cudurka Coronavirus-Video

Muqdisho ( HM ) Jilaaga caanka ah ee Idris Akuna Elba  oo u dhashay dalka Britain  ayaa xaqiijiyey in laga helay cudurka Coronavirus, Wuuxuna Muuqaal uu soo duubay uga hadlay  xaaladdiisa caafimaad, wuxuun sheegay inuu wanaagsan yahay, balse la karantiilay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuu sheegay in la joogo xilligii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha ay bulshada isugu yimaadaan. “Waan is karantiilay, si deg deg ah ayaan isku baaray waxaan maanta helay natiijada.. waa xaalad halis ah hadda waxaa la joogaa xilliggii laga fikiri lahaa in laga fogaado goobaha bulshada isugu yimaadaan iyo in gacmaha la dhaqdo.” ayuu yidhi Elba.

Jilaagaan oo ay u dhaxdo gabadh Soomaaliyeed oo la yiraahdo, Sabriina Dhawre ayaa cudurka wuxuu haleelay, kadib markii Jimcihii la soo dhaafay uu la kulmay qof horay loogu arkay cudurka dilaaga ah ee Corona, Wuxuuna ka dhawaajiyay in xaaskiisa Sabriina aan weli laga baadhin cudurka.

Wuxu  taageerayaashiisa ka dalbaday inay muujiyaan feejignaan dheeri ah oo ku aadan cudurkaan ku sii faafaya caalamka ee Coronavirus  “Haddii aad dareento xannuun ama ay kula tahay in aad is baarto, marka waa in aad wax iska qabataa.” .

SOMALI NEWS

To Top