WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Tallaalka COVID-19 oo Maanta laga bilaabay Magaalada Muqdisho

Munaasabadda lagu daah-furayay talaalka COVID19 ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiirka Caafimaadka XFS Fowsiya Abiikar, Mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Federaalka, bahda Caafimaadka iyo dadweyne kale.

Wasiirka Caafimaadka Fowsiyada Abiikar ayaa lagu daahfuray talaalka Cudurka COVID19 oo la keenay Soomaaliya sidoo kale waxaa talaalka qaatay  xubno kale oo ka tirsan Waaxda Caafimaadka Maamulka Gobolka Banaadir.

Shalay ayaa waxaa Magaalada Muqdisho soo gaaray qeybtii kowaad ee talaalka COVID19 oo noociisu yahay  Oxford/Astrazenica, isla markaana loogu tala-galay inay qaatan illaa iyo 300,000 oo qof.

Halkaan ruux si aad u Daawato Muuqaalka.

SOMALI NEWS

To Top