Waxaa xalay lagu rasaaseeyay agagaarka Bar-koontorool oo ku taalla Isgoyska Marinaayada ee Magaalada Muqdisho Gaadiid uu watay Taliyihii hore ee Hay’adda Nabadsugida Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Tuuryare.
Taliyaha oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in uu aad uga xun yahay in, isaga la ogyahay in uu ahaa Taliyihii hore ee NISA si ku talo gal ah loo rasaaseeyay, balse rasaastaas aan wax dhibaato ah kasoo gaarin.
Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray in Ciidamada rasaaseeyay aysan aheyn kuwa Booliska Soomaaliya ee Koontoroolka joogay, balse ay ahaayeen Ciidamo la magic baxay Duufaan oo uu sheegay in xalay la geeyay halkaas, sidoo kalena falkaas uu ahaa isku day dil.