WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Taliyaha Ciidanka Xoogga Soomaaliya oo weerar ku qaaday AMISOM-Video

Muqdisho ( HM ) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Daahir Aadan Cilmi Indha-qarshe ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay daba socdaan ay ku Gambadaan Askarta Soomaalida oo sida uu sheegay Qoryo yar yar heysta.

Waxaa uu xusay in dhaqaale ahaan ay Ciidamada AMISOM aad uga mushaar badanyihiin kuwa Soomaalida, laakiin marka ay dagaal gaaDHo Ciidamada Soomaalida ay ku horreeyaan goobaha dagaalka dhimashada iyaga ku dhacdo.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Indha-qarshe ayaa yiri: “Ciidanka AMISOM ee kun kunka qaata,waxaa ay iyaga oo Taangiyo saaran daba socdaan Askarteenna oo ka hub iyo qalab yar”

Taliyaha ayaa sheegay in Ciidamada Soomaalida ay ogyihiin una dhaarteen sababta ay u dhimanayaan si ay u difaacaan dadkooda.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayuu Taliyuhu sheegay in ay mas’uuliyad ka saaran tahay amaanka dalkooda, Wuxuuna xusay in Amnigu yahay wax uu Shacabka leeyahay, Wuxuuna Shacabka ka dalbaday inay sugidda amniga kala Shaqeeyaan si loo helo nabad waarta.

Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed Sareeya Gaas Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe)   ayaa hadalkaan ka sheegay kulan amniga looga hadlayay oo lagu qabtay Muqdisho.

SOMALI NEWS

To Top