Muqdisho (HM)-Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed ayaa ka hadlay tababarka ciidamada booliska ay helayeen maalmihii ugu dambeeyay.
Taliyaha oo ka hadlayay amaanka magaalada Muqdisho ayaa sheegay in taliska ciidamada booliska aysan awoodin inay guri kastaa oo ku yaala magaalada Muqdisho inay dhigaan askari ilaaliya.
Balse wuxuu sheegay in taliska ciidamada booliska Soomaaliyeed inuu awoodo inay tababar siiyaan ciidamada kala duwan ee booliska ka mid noqonaya, kuwaasi oo xaqiijinaya amaanka magaalada Muqdisho.
Muqdisho waxaa marar qaar ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan Al Shabaab, waxaana yar kiisaska laga daba tago marka falka uu dhaco kadib.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Tababar casri ah ayuu sheegay inay siinayaan ciidamada amaanka gaar ahaan kuwa booliska Soomaaliyeed, islamarkaana kuwaasi ay ka shaqeyn doonaan xaqiijinta amaanka caasimadda.
Ku dhawaad 2000 askari ayaa shalay tababar loogu soo gabo gabeeyay magaalada Muqdisho, kuwaasi oo loo diyaariyay inay sugaan amaanka magaalada Muqdisho oo ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo qorsheysan.
Sidoo taliyaha ciidamada booliska ayaa sheegay inay tababar siiyeen ciidamo badan oo boolis ah kuwaasi oo ku sugan gobolada Gedo, Baay, Hiiraan iyo SHabeelaha Dhexe.