Hargeisa (HM ) Xildhibaan Axmed Diiriye Nacnac oo kamid ah Baarlamaanka Somaliland ayaa si adag uga hadlay Halka laga dhisayo Xarunta Madaxtooyadda Cusub ee Somaliland iyo Dad la sheegay in laga Qaaday dhulkaasi oo Muran kala dhexeeyo Madaxwayne Biixi.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Ugu horayn wuxuu ku Furay Hadalkiisa Gabay “Cuqubo halkay lagu galay Cow ku Hurudaaye, Carruurta ayay ka laysaa Ninkii Caano Baas dhama “.
Xildhibaan Nacnac ayaa Madaxwayne muuse biixi uga digay dhulka inuu Boobo, Wuxuuna sheegay inay Tallaabo Sharci ah ka qaadi doonaan.
“Madaxwaynaha waxaan leenahay dadku waa kuwii ku doortay, Wixii Siyaad Barre aanu ku diidnay ha nagu Kalifin, Walaahay Yeeli mayno, Halkii Geellaha Jabuuti aaad Nagu Wadaa, Qoys na Xukumi maayo, ee Qaran baanu nahay ee ka noqo”.