Laascaanood ( HM) -Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryaynta Somaliland C/rashiid Ducaale Qambi [Raaf] oo deegaan ahaan kasoo jeeda magaalada Buuhoodle, ayaa maanta ka hadlay Jabhad maalintii Shalay loogu dhowaaqay Duleedka magaalada Buuhoodle, Wuxuuna sifeeyay Mashruuc dadka lagu kala dilayo.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Buuhoodle 29-kii Sanno ee lasoo dhaafay inta Xaalad ay soo martay waa la garanayaa, Dagaaladii, Horumar la’aanta, Qolo kasta oo jabhad Sheeganaysa SSC ama Khaatumo waxay imaanayeen Buuhoodle , Halka dadka kale ee deegaanku ay Nabad ka shaqaynayaan, waxayna noqotay in cidkasta oo dhibaato iyo Mashruuc wadata inay Saldhig usoo doonato Buuhoodle, Hadii uu yahay Reer Buuhoodle dan leh iyo mid kalaba “ Ayuu yidhi Raaf.
Wuxuu sidoo kale ka hadlay in Siyaasiyiin horey u sameeyay Jabhadaha iyo kuwii maamulka dhisayba ay ku kala biireen Puntland iyo Somaliland, Halka khasaarahu dadku uu kasoo gaadhayo ay yihiin Buuhoodle.
“Wax Jabhad ah oo la sameeyay ma jirto, waa Mashruuc lacag lagu doonayo, iyadoo hadana lagu xasuuqayo Ummada, oo lagu kala dilayo “.