Hargeisa (Horufadhi News) –Faysal Cali Waraabe oo Warbaahinta kula hadlay maanata Hargeisa ayaa ugu Horayn si kulul uga hadlay Shirkii ka dhacay magaalada Baydhabo.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Waxaa lagu saxeexay In Hub lasiiyo Reerka Garoowe iyo Boosaaso dega, kaasi oo ay kula dagaalamaan Argagixisada, Argagixiso Halkaa joogta ma jirto, ee Somaliland ayay kula dagaalamayaan.” Ayuu yidhi Faysal.
Isagoo ka hadlayey Arinta Gobolka Sool ayuu sheegay in looga hadli doono Golaha Amaanka Qaramada Midoobay, Wuxuuna sheegay inay Dawladda Soomaaliya arintaasi ka shaqaysay, Isagoo siwayn uga Cadhooday.
Dhinaca kale wuxuu ka hadlay Lacagtii Dawladda Soomaaliya ugu deeqday Somaliland iyo Xiisada Colaadeed ee Ceel-afwayn.