WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo la sheegay inay ku fashilantay Siyaasada arrimaha gudaha iyo Dagaalo-Video

Hargeysa (HM) ―Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Faysal Cali Waraabe oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si adag u dhaliilay siyaasada gudaha ee Xukuumada Madaxweyne Biixi.

Guddoomiye Faysal ayaa sheegay in xisbiga Ucid uu dabada ka riixayey heshiisyadii ay Kulmiye wada galeen ee ku aadana qabsoomida doorashooyinka, isagoona xusay in Madaxweyne Biixi uu hor-taaganyahay inay qabsooman doorashooyinka Somaliland.

Faysal ayaa ka dhawaajiyey in xukuumada Madaxweyne Biixi ay gebi ahaanba ku fashilantay siyaasadii gudaha, isla markaana ay Somaliland wajaheyso Hogaamin xumo baahsan.

Guddoomiyaha ayaa waxa kale oo uu sheegay in dadaalada ay xukuumada Biixi ka wado dibada ay uga mudantahay inay hagaajiso siyaasadeeda gudaha oo ku tilmaamay mid gebi ahaanba istaagtay.

“Doorasho ma socoto oo looma jeedo, tii deegaanka waad aragtaan, iyadoo sharci ku fadhiyin ayey shaqeynayaan, waa wax taariikhda inoo kow ah, tii wakiiladana looma jeedo, Anaga UCID ahaan baa dabada ka riixayna laakiin dowladu uma jeedo, Waddani baa diiday oo yiri komishanka ha la kala saaro, xal noqon mayso, mar-marsiyona noqon mayso, xilku wuxuu saaranyahay dowladda” ayuu yiri Faysal Cali Waraabe.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wuxuuna intaas kusii daray “Jaanisyo fiican oo dibeda socda, Dabeyl dibadaana socota, hadaanu guduhu shaqeyneyn dibeduna ma shaqeynayso, dhado ayey noqoneysa rajedaasi.

Waxaan leenahay shacabka reer Somaliland maanta waxa ina haysta wax kale maaha, waxa weyi maamulkii ayaa istaagay”.

Guddoomiye Faysal ayaa waxa kale oo uu xukuumada Biixi si adag ugu dhaliilay xiisada dagaal ee ka soo cusboonatay deegaano ka tirsan degmada Ceel Afweyn oo ay isku hor-fadhiyaan maleeshiyaad kala taabacsan beelo wada daga deegaanadaasi.

Faysal ayaa ugu dambeyntiina wuxuu Madaxweyne Biixi uga digay inuu dib u dhigo doorashooyinka oo uu waqtigooga ku qabto, isagoona xusay hadii uu doorashooyinkaasi uu qaban waayo inuu mugdi gali doonto Madaxtinimadiisu.

SOMALI NEWS

To Top