WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland oo Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeysay khal-khal galin Hawo-Video

Hargeysa (HM)-Soomaliland ayaa sheegtay in  ay u madax banaan tahay maamulista hawadeeda oo aysan jirin cid kale oo xiligaan la maamusho hawadda.

Maareeyaha Duulista iyo Garoomada maamulkaasi Somaliland Maxamuud Cabdi Rodol oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu sheegay in Somaliland ay haweeda aysan cid la maamulin, isla  markaana ay iyada u madax banaan tahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Maareeye Maxamed Rodol ayaa waxaa uu dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyay inay dooneyso inay khal-khal galiso xiriirka dhanka hawada ee kala dhexeeya dalalka Dunida.

Waxaa uu sheegay in garoomada diyaaradaha Somaliland ay u furan yihiin dhamaan diyaaradaha Caalamiga ah ee doonaya inay kasoo degaan, marka laga reebo duulimaadyadii ay u mamnuuceen sababo la xiriira Cudurka Coronavirus.

Si kastaba hadalka Maareeyaha Duulista iyo Garoomada Somaliland ayaa waxaan uu kusoo aadayaa, iyadoo Maanta Garoonka Hargeysa ay ka degtay diyaaradda Ethiopian Airline, xili ay dowladda Federaalka Soomaaliya joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka imaan jiray iyo kuwii kabixi jiray.

Hase ahaatee inta aysan Diyaaradahan imaan Hargeysa ay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan wasaarada Gaadiidka iyo Duulista Hawadu sheegtay in mudo laba maalin ah la fasaxay Duulimaadyada Caalamiga ah si ay muwaadiniinta Soomaalida ah ee Caalamka ku xayiran dalka ugu soo laabtaan.

Horufadhi News

 

SOMALI NEWS

To Top