Hargeisa ( HM ) Ciidamada booliska ee Somaliland ayaa caawa xabsiga magaalada Hargeisa u taxaabey xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland.
Xildhibaanka ayaa shalay warbaahinta ka sheegay in maalinta 18-May ay tahay maalin u gaar ah beesha SNM.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Dhakool ayaa sheegay in 26-ka June ay ka Mudan tahay in la Xuso 18-May, Wuxuuna sheegay in 18-May ay gaar u tahay Beesha SNM, Wuxuuna sheegay inay ku Cabirayso dareen u gaar ah, Wuxuuna xusay in Beelaha kale ay u yaqaaniin Maalin madow, Sida uu hadalka u dhigay.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Xildhibaan Dhakool ayaa ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka Somaliland ee kasoo jeeda gobolka Sool