Hargeysa (HM)-Madaxweynaha maamSomaliland Muuse Biixi Cabdi oo manta Saxaafadda kula hadlay Magaalada Hargeysa ee xarunta Soomaliland ayaa ka digay Khataraha Caabuqa Coronavirus isagoona shaaciyey Qorshaha ay Xukuumaddiisu ka leedahay Ka hortaga cudurkaasi oo soo gaadhay Soomaaliya.
Waxaa uu sharaxaad ka bixiyey Warbixintii u dambeysay ee ku aadan sida Somaliland uga digtoonaatey Cudurka Carona,waxaana uu sheegay in dhamaan xaduudaha laga soo galo Soomaalland ay Wasaaradda Caafimaadku ka wado baaritaano iyo hubin.
HALKAN KA DAAWO WARARKA
Waxaa uu hadalkiisa intaasi ku daray in Xubnaha Wasaaradda Caafimaadka ay karantiileen dad badan oo ku sugan deegaanada,Tukaraq,Yubube,Dhahar,Wajaale,Berbera,lowya-Cadde iyo Garoonka diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in Soomaaliland ay sii wadeyso sidii looga hortagi lahaa Cudurka Caronavirus,waxaana uu sheegay in dhamaan Madaxda Soomaaliland iyo Shacabka looga baahan yahay inay qaataan awaamiirta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliland.