WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Soomaliland Cirro oo soom bandhigaya 2-sano & waxa laga dhaxlay hoggaanka Muuse Biixi.

Hargeisa ( HM) Waxaa maanta Warbaahinta kula hadlay Gudoomiyaha Xisbiga Wadani ee maamulka aqoonsi raadiska ah ee Soomaliland Cabdiraxmaan Cabdillaahi Cirro oo soo Bandhigay Waxyaabaha laga dhaxlay Hogaaminta Muuse Biixi, Iyadoo ay Maanta  ku beegan tahay Labo Sano kadib markii la doortay Madaxwayne Muuse Biixi Cabdi.

HALKAN KA DAAWO

C.raxmaan Cirro ayaa Soo Bandhigay Qodbo kala duwan iyo Rajjo Xumo uu sheegay in laga dhaxlay Hogaaminta Madaxwayne Bixii waxaana kamid ah  Sida uu  hadalka u dhigay.

Kala qaybinta Shacabka Shacabka Somaliland, Halka rabay inuu Mideeyo.

Ku Xad gudubka Dastuurka iyo Xeerarka Somaliland, Halka laga rabay ilaalintooda.

Faragelinta Nimaamka Ganacsiga Xorta ah iyo  Xakamayn la’aanta Sicir Bararka .

Hoos dhaca ku yimid Amniga Gudaha, Iyadoo Jabhado ay ka dilaaceen Somaliland.

Awooda Dawladda oo loo adeegsado Dan Shaqsi ah , Dhul boob iyo Ganacsi gaar ah.

Cabudhinta Saxaafadda  iyo Ku Xad gudubka Xaquuqda Aadanaha, Xadhiga Muwaadiniinta iyo Masuuliyiinta Xisbiyadda  kala duwan.

Kalsoonidii Beesha Caalamka oo Luntay, iyadoo laga Rajjo dhigay Ictiraafkii Somaliland.

Cabdiraxmaan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in Hoggaaminta Madaxwayne Muuse Biixi kusoo Aruurtay Salluug , Salfudayd iyo Canaad aan Qiimo ku fadhiyin, Sida uu hadalka u dhigay.

Ugu dambayntii C.raxmaan Cirro wuxuu si kulul uga hadlay Xubnihii ay maalintii shalay Ansixiyey Baarlamaanka Somaliland, Wuxuuna sheegay in Xisbiga Wadani uu siwayn u qaadacay Xubnaha Komoshinka Doorashada.

SOMALI NEWS

To Top