WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Dowladda Soomaaliya oo cadeysay mowqifkeeda khilaafka Itoobiya & Masar-Video

Muqdisho (HM)-Wasiirka Arrimaha Dibadda ee  Soomaaliya   Axmed Ciise Cawad ayaa markii ugu horeesay ka hadley khilaafka ka dhashay biyo xidheenka ay dowlada Itoobiya dhiseyso  ee khilaafka ka dhax abuuray Dowladaha Itoobiya iyo Masar.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya oo waraysi siinayay Warbaahinta Daljir isaga oo ku sugan Garoowe Waxaa uu sheegay in Soomaaliya ay dhex dhexaad ka tahay khilaafka u dhaxeeya labada dowladood ee Masar iyo itoobiya, waxa uuna meesha ka saaray in Soomaaliya ay labada dhinac mid kamid ah la safan tahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Runtii mowqifka Soomaaliya ee khilaafka dowladaha Itoobiya iyo Masar waa dhex dhexaadnimo,xaqiiqdii fursada kaliya ee inoo furan waxaa waaye inay isku soo dhaweyno ama aan ka aamusno balse marnaba Soomaaliya looma yeerin doono go’aankeeda ayuu yidhi Cawad.

Wasiirka arimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxbo kama jiraan ku tilmaamay in Soomaaliya ay saxiixday taageero Wadamada Carabta u muujiyeen dowlada Masar, waxa uuna cadeeyay in Soomaaliya ay arintaasi dhax dhaxaad ka tahay.

Dowlada Soomaaliya oo xiriir dhaw la leh dowladaha Itoobiya iyo Masar ayey ku adkaatay in dhinac la safato, waxaana Madaxda Soomaaliya go’aansadeen in khilaafkan dhax dhaxaad ka noqdaan si aysan saameyn xun ugu yeelan.

 

SOMALI NEWS

To Top