WARARKA SOOMAALI

Daawo:-Somaliland Maxakamadda oo ka hadashay markii loo keenay Xildhibaan Dhakool oo Gacmaha ka xidhan-Video

Hargeisa (HM) Xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool, oo labada gacmood silsiladi kaga xidhan tahay ayaa maanta la horgeeyay Maxkamadda gobolka Maroodi-jeex ee magaalada Hargeisa.
Guddoomiyaha Maxkabadda gobolka maroodi-jeex Cabdi Qawdhan, ayaa diiday in uu furo gal dacwadeedka Arrinta loo haysto xildhibaanka.

Guddoomiyaha ayaa ku dooday in aannu jirin sharci u ogolaanaya inuu Maxkabadeeyo xildhibaan aan golihiisu xasaanadda ka qaadin.

Ciidamada Booliska ee Somaliland ayaa dib ugu celiyay xildhibaanka xarunta CID-da oo uu ku xidhan yahay.

Xildhibaan Dhakool, oo ka tirsan golaha wakiillada ayaa ka soo horjeestay xuska maalinta 18 May oo uu ku tilmaamay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

SOMALI NEWS

To Top