Xildhibaanada Golaha Wakiilada maamulka Somaliland ayaa doortay Gudoomiyaha Golahaasi, kadib doorasho adag oo dhax martay labo Musharax oo kala matalayay Xisbiga talada haya ee Kulmiye iyo Xisbiyada isbaheestay ee Wadani iyo UCID.
Doorashada oo markii hore muran hareesay ayaa markii dambe lagu guuleestay in xaalada la dejiyo, waxaana golaha Wakiilada isku raaceen in shir gudoon KMG ah u noqdo inta doorashada socoto Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Somaliland.
Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland ayaa waxaa ku tartamayay xildhibaan Yaasiin Maxamuud Faratoon oo ka socday Xisbiga Kulmiye iyo Xildhibaan Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo isna matalayay Xisbiga Wadani.
Ugu damabeyn Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Gudoomiye kuxigeenka labaad ee golaha Wakiilada u dooortay Cali Xaamud Jibriil oo helay 43 cod halka Cabdinaasir Yuusuf Qodax isna helay 38-cod.