Garoowe (HM)- Shirweynaha Wadatashiga Puntland oo Garowe ka furmay 15-kii bishan Maaj 2020, ayaa Talaadada maanta ah lasoo gabagabeeyay, iyaddoo laga soo saarey war-murtiyeed xasaasi ah.
Shirweynaha ayaa soo jeediyey in la adkeeyo midnimadda iyo wadajirka Soomaaliya, iyaddoo loo marayo nidaamka federaalka.
Madasha ayaa baaqday in dib loo dhigo hanaanka dhameystirka dastuurka ku meelgadhka ah ee Soomaaliya, maadaama habka hadda loo waddo aanan loo dhameyn.
HALKAN KA DAAWO WAR-MURTIYEEDKA
Xukuumada Puntland oo uu ku booriyey in ay xili hore bilowday hirgelinta hanaanka xisbiyadda badan ayuu sidoo kale cod dheer ugu tartarsiiyey in ay sameyso Maxkamada Dastuuriga ah.
Saaxiibadda caalamka ee Soomaaliya ayuu si lamid ah ku booriyey in ay xoojiyaan taageerada barnaamijka dimuqraadiyeynta Puntland shirku.
Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeeyay in ay kasoo horjeedo nidaamka federaalka isla markaana u awood-sheeganeyso maamulada dalka, ayna caburineyso siyaasiyiinta kasoo horjeeda.
Sidda ku xusan war-murtiyeedka oo HM halabsatay nuqulada, shirku wuxuu cambaareeyay faragelinta ciidan ee ka dhacday doorashooyinkii Koonfur Galbeed iyo Galmudug si lamid ah tan ka ku socota Gedo.
Xili uu “musiibo qaran” u aqoonsado argagixisadda, shirku wuxuu soo jeediyey in loo middoobo dagaalka mitidiinta gacansaarka la leh Al-qaacida, wuxuuna dalbaday in dowladdu maareyso arrimaha hubka.
Maamulka Puntland ayuu ugu baaqay in ay la timaado qorshe cad oo wax looga qabanayo cudurada faafa gaar ahaan COVID-19, oo haatan si weyn ugu faafay dunida soo gaadhay dalka dhaca Geeska Afrika, Soomaaliya.
Doorashooyinka qorshuhu yahay in ay dalka ka dhacaan sanadka ayuu hoosta ka xariiqay in aysan noqon karin qof iyo cod, maadaama ay Al-Shabaab wali haysato qeybo badan oo dalka kamid ah.
Madasha oo ay ka qeybgaleen in ka badan kun ergo ah oo isugu jirta goleyaasha maamul gobaleedka shirku martisaday ee Puntland, madax haatan xil ka heysa waddanka iyo siyaasiyiin ayaa waxay socotay muddo saddex maalmo, wuxuuna soo gaba gaboobay markii war-murtiyeedkan soo baxay.
Horufadhi News.