Muqdisho (HM)-Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xalay shir guddoomiyay Shirka Guddiga Amniga oo looga hadlayay amniga Caasimadda, iyadoo shirkan ay goobjoog ka ahaayeen Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.
Shirkan ayaa looga hadlay xaaladihii u dambeeyay ee ka dhacay Muqdisho, sida banaan baxyadii rabshadaha watay, khasaarihii ka dhashay iyo arrimo kale.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay ayaa sheegay in la isla gartay in shacabka shucuurtooda ku muujin karaan banaan baxyada si nabad ah oo xasillooni ah, lagana ilaaliyo rabshadaha, lana aqbali karin in waxyeelo loo geysto hantida danta guud iyo tan ganacsatada ah.
Waxaa uu sheegay in shaqsiyaad loo qabtay rabshadahaas, sidoo kale waxaa uu xusay in askarigii qof shacab ah dhibaato u geysta inuu muteysan doono sharciga.