WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Sheekh Shariif iyo Xasan Sheekh oo gaaray Degmo Xeebeed

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Somaaliya Sheekh Shariif Sh Axmed iyo Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta gaaray degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona halkaas ku tegay safar dhinaca dhulka ah.

Xasan Sheekh iyo Sheekh Shariif ayaa waxaa Cadale kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Hirshabeelle, Wasiiro, Xildhibaano, iyo dadweyne farabadan oo isugu jiray qeybaha kala duwan ee Bulshada oo Madaxda uga hortegay banaanka Magaalada.

Madaxweyne Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe oo soo dhoweynta ka hadlay ayaa madaxda iyo wafdiga ay hogaaminayaan kusoo dhoweeyay Cadale oo ah degmo xeebeed qurux badan.

Madaxweyneyaashii hore ee dalka Somaaliya ayaa maalmaha soo socda joogi doona Cadale, isla markaana kulamo kala qadan la yeelan doona Madaxda Maamulka Hirshabeelle, kan Gobolka Shabeellaha Dhexe iyo Odayaasha dhaqanka.

Ammaanka guud ee degmada Cadale ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa Maanta siweyn loo adkeeyay, waxaana sugida amniga iska kaashanaya Ciidanka Xoogga dalka ee halkaas ku sugan iyo kuwa maamulka Hirshabeelle .

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top