Yarow Xasan Aadan oo ku magac dheer Seyfu-Laah ayaa waxaa Khamiista maanta ah lagu soo bandhigay magaaladda Xudur ee xarunta gobolka Bakool, koonfurta dalka.
Warbaahinta ku hadasha afka dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay ku warameysaa in Seyfu-Laah “uu ka tanaasulay fikirka xarjirnimadda”.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
“Waxaan uga soo baxay [kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida] markii aan arkay weerarada macno darada oo ay shacabka ku laynayaan,” ayaa laga soo xigtay.
Seyfu-Laah oo kasoo dagaalamay gobolo kala duwan oo dalka ah ayaa wuxuu u qaabilsanaa maleyshiyaadka isku xirka horjoogeyaasha iyo dagaalameyaasha.
“Shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed waxaan waydiisanayaa cafis,” ayuu hadalkiisa ku daray, sidda ay qortay Wakaaladda wararka Qaranka ee loo yaqaano SONNA.
Aadan ayaa lasoo baxsaday qori AK 47 a