Saraakiisha Ciidamada Daraawiishta dowlad Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in uu isku soo dhiibay Sarkaal Sare oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.
Taliyaha La-dagaallanka waxa loogu yeero Argagixisada ee Daraawiishta Galmudug Geedi Qalabxoor ayaa Warbaahinta dowladda u xaqiijiyay in Sarkaakan uu isku dhiibay Ciidanka Xoogga Dalka ee ku sugan aagga deegaanka Bacaadweyne, kaas oo lagu magacaabo Dalabeey Cabdi Macallin.
Taliyaha ayaa tilmaamay inay jiraan Sarkaakiil kale oo ka tirsan Al-Shabaab oo la soo xariiraya ciidanka, kuwaasi oo doonaya inay isaga soo tegaan Al-Shabaab, kadib markii ay isaga tageen deegaanno badan oo ku yaala Koofurta Galmudug.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Warkaan kasoo yeeray Taliska Ciidanka daraawiishta Galmudug ayaa kusoo aadaya xilli maalmihii la soo dhaafay degaano ku yaal Koonfurta Gobolka Mudug ay ka socdeen dagaalo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda iyo Al-Shabaab.