Muqdisho (HM )-Taliyihii hore ee Nabadsugida iyo Sirdoonka Soomaaliya Cabdilaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) ayaa wareysi uu bixiyey wuxuu uga hadlay Arimo kala duwan, Isagoo sheegay inuu Doonayo in Madaxwaynaha Dalku uu ahaa Nin kasoo Jeeda Beesha Hawiye.
Sanbaloolshe ayaa sheegay inuu doonayo in wixii hadda ka dambeeya arrin walba sideeda loo abaaro oo aan wax la qarin.
HALKAN KA DAAWO WARAYSI
“Siyaasadda Soomaaliyeed intay afar arrimood taagan yahay, madax banaanida AMISOM ilaalineyso, Somaliland maqan tahay, Shabaab dalka heysto, qof qurbaha ka yimid mulkiile uu leeyahay ,siyaasadda soomaaliyeed si qabiileysan oo rasmi ah in loogu dhaqmo ayaa rabnaa” Ayuu yidhi Sambalooshe.
Sanbaloolshe ayaa sheegay in dowladnimada ay ku dhisan tahay qaab qabiileysan, isla markaana Baarlamaanka iyo Xukuumadda lagu qeybsado hannaanka 4.5 ee Beelaha wax ku qeybsadaan
“Dowladnimada hadda noo dhisan qaabka ay ku dhisan tahay, shucuub ahaan waa dad qabiileysan oo qabyaaladeysan ayaa nahay, dowladeena haddii madaxweyne la dhisaayo, haddii RW la dhisaayo, haddii wasiiro la dhisaayo, haddii baarlamaan la dhisaayo horta 4.5 ayaa lagu fadhiyaa, nin walba qabiil ku soo galaa, qabaa’ilka odayaashooda, xildhibaanadooda iyo waxgaradkooda marka ay jago raadsanayaan ayagoo qabiil ah ayay raadsanayaan, mana fiicno wax markii la qabanayo la qariyo, waxa waa in sidii ay yihiin lagu dhaqmo”ayuu yiri Cabdilaahi Sanbaloolshe.
Wuxuu sheegay in Soomaalida Kale Deegaankooda Hagaajisteen, oo Horumar ka sameeyeen, Balse hadalkiisa ku Guubaaninayo Beeshiisa inay Fadhiga ka kacdo.
Dhinaca kale waxaa hadalka Sanbaloosha ka qayliyey Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in hadalka ka soo yeeray Sanbaloolshe uu yahay mid isaga u gaar ah oo aan ka mid aheyn mabaa’diida Xisbiga UPD.
“Mudane Sanbaloolshe waa mas’uul ka tirsan Xisbiga Nabadda iyo Horumarka (UPD), hase yeeshe arrinka uu ka hadlay ee la xiriira siyaasadda qabaliga ah, ka mid ma aha mabaadi’da Xisbiga UPD ee ku cad xeerka iyo barnaamijka Xisbiga ee waa ra’yiga gaarka ah ee mudanaha. Ummadda Soomaaliyeedna sidaas ha ula socoto arrinkaas” Ayuu yidhi Xasan Sheekh Maxamuud.
Horufadhi News