Hargeisa (HM ) Wasiirka Maaliyada somaliland Sacad Cali Shire ayaa sheegay in saldhiga Ciidan ee Imaaraadka la siiyey aan la kireyn ee lagu bedeshay inay sameeyeen jidka Berbera iyo Wajaale u dhexeeya iyo garoon diyaaradeed.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wuxuu sheegay in sanadkan aanay ku jirin miisaaniyada Kirada dekadda Berera, oo hore looga sii qaaday kiradii sanadkan, taasina ay sababtay in aanay ku jirin buuga miisaaniyadda.
Wasiir Sacad sidaas waxa uu ka sheegay kulan lagu falanqaynayey miisaaniyada 2019ka oo uu wasiirka,xildhibaanadda golaha Wakiilada iyo xisbiyada mucaaaradku goob joog ka ahaayeen, taas oo lagu soo bandhigya daldaloolooyinka miisaaniyada iyo inay u baahan tahay in wax laga bedello.