WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo shir isugu yeeray Madaxda Dowlad Goboleedyada

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa shir wadatashi ah isugu yeeray madaxda Maamul-goboleedyada iyo gobolka banaadir 20ka May si ay uga arinsadaan hirgalinta heshiiskii 17September ee ay Madaxda dowladda iyo kuwa maamul goboleedyada iyo gobolka banaadir isku afgarteen sanadkii hore.

War-saxaafadeed uu akhriyay Afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimoo ayuu ku sheegay in Ra’iisul Wasaaruhu ugu baaqayo madaxda shirka ku casuuman in ay yimaadaan 20ka ka hor si shirka uu u furmo maalinka loo asteeyay oo khamiis ah.

Sababta muddadaas dib loogu dhigay ayuu Macalimuu ku sheegay in la isla gartay in waddaca keddib uu shirka noqdo maaddaama lagu jiro tobankii danbe ee Ramadaanka, sidoo kalena ay ku xigi doonto ciiddii iyo maalmihii Waddaca.

Halkaan ka Daawo Muuqaalka Afhayeenka Xukuumadda

SOMALI NEWS

To Top