Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa kula kulmay Guddiyada Doorashooyinka ee Heer Federaal, Heer Dowlad-goboleed iyo Xallinta Khilaafaadka.
Rooble ayaana kala hadlay guddiyana uu la kulmay dar dargalinta doorashada , waxa uuna sharraxaad ka siiyay geeddi socodka doorashada, isagoo ku boorriyay in ay si dhow u wada shaqeeyaan, doorashadana u maamulaan si hufan.
Ra’isul Wasaare Rooble ayaa u sheegay guddiyada doorashada iyo xalinta Khilaafaadka uu la kulmay in ay jiraan caqabado dib u dhaca keenay ay kamid yihiin in weli beesha Caalamka aan laga helin dhaqaalihii doorashada lagu socod siin lahaa.
Kulankan uu Ra’iiul Wasaare Rooble la qaatay guddiyada doorashada ayaa kusoo aadaya xili dhawaan Golaha Wadatashiga Qaran soo saareen habraac muran badan dhaliyay oo loo marayo doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose .