WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo la hadlay geerida ku timid Tliyihii Ciidanka Asluubta

Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Jeneraal Cabdulqadir Cali Diiriye oo loo yaqaanay Subxaanyo ayaa Maanta ku geeriyooday Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay geeridii ku timid Marxuum Cabdulqadir Cali Diiriye oo ahaa Taliyihii hore ee Ciidanka Asluubta dowladda Federaalka.

Ra’iisul Wasaare ayaa tacsi u diray qoyska iyo Eheladii uu ka baxay Cabdulqadir Cali Diiriye, wuxuuna Marxuumka ku tilmaamay inuu ahaa rug caddaa ciidan iyo waayo arag dalka iyo dadka ugu soo shaqeeyay si daacadnimo leh.

Warar la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Jeneraal Cabdulqaadir Cali uu maalmihii lasoo dhaafay xanuunsanayay, isla markaana xanuunkii haayay uu saakay ugu geeriyooday Muqdisho.

HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top