Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney oo maanta booqasho ku yimid Muqdisho.
Kulanka dhexmaray Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Wasiir Simon Coveney ayaa waxaa looga wada hadlay Arrimo ay kamid yihiin iskaashiga iyo xoojinta xariirka ladabada dowladood iyo joogteynta taageerada Midowga Yurub ee Ireland xubinta ka tahay,.
Sidoo kale inta uu socday ayaa waxaa looga hadlay doorashooyinka la filayo inay dhawaan ka dhacaan dalka, taageerada amniga iyo Tageerada arragtida Soomaaliya ee ku aaddan dib u eegista Ciidanka AMISOM, Dib u eegista Xayiraadda Hubka ee muddada dheer saaran Soomaaliya.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Wasiirka Arrimaha Dibedda ahna Wasiirka Difaaca dalka Ireland Simon Coveney iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa Maanta soo gaaray Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana Garoonka kusoo dhaweeyay Mas’uuliyiin oo ka tirsan Xukuumaddda.