WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-RW Rooble oo ka horyimid wareegtadii uu soo saaray Farmaajo

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa war-murtiyeed ka soo saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, wuxuuna ka horyimid wareegtadii xalay uu madaxweyne Farmaajo, xukuumaddiisa kaga joojiyay heshiisyada iyo is af-garadyada.

Ra’iisul Wasaare Rooble waxa uu sheegay in awoodda fulinta ee Jamhuuriyadda Federaalka ay leeyihiin Golaha Wasiirrada oo ah hay’adda ugu sarreyso fulinta maamulka dalka.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in Xukuumaddu ay mas’uuliyad ka saaran tahay dhaqangelinta shuruucda, sugidda nabadgelyada dalka, ilaalinta danaha dalka iyo dadka Soomaaliya, sidaas la mid ahna uu Dastuurka Qaran u xilsaaray Xukuumadda wada-xaajoodyada la xiriira kaalmada dibadda, ganacsiga, cahdiyada ama arrimaha muhiimka ah ee la xiriira hishiisyada caalamiga ah.

Rooble wuxuu sheegay in isaga iyo golihiisa xukuumadda sii haynayaan xilka inta doorasho ka dhacayso oo Ra’iisul Wasaare cusub la dooranayo, dastuurkuna uu u fasaxayo in ay si caadi ah u fuliyaan waajibaadka Qaran.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA

SOMALI NEWS

To Top