Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe ayaa magacaabay Guddi Farsamo oo ka soo tala bixiya xal ka gaarista khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka.
Wareegto kasoo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu magacaabay Guddigan oo ka 11-xubnood, kuwaasi oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano oo ka kala socda Xukuumadda iyo Mucaaradka.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Roobe ayaa faray Guddigan ka kala socda Dowladda iyo Mucaaradkaa inay si toos ah u gutaan waajibaadkooda shaqo ee loo idmaday.