Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Maxamed Xuseen Rooble ayaa si kulul uga hadlay Qaraxii Is-miidaaminta ahaa ee xalay ka dhacay Saldhiga Booliska degmada Waaberi ee Gobolka Banaadir oo jugtiisa siweyn loo maqlay.
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Cambaareyay qaraxaas oo lagu weeraray Saraakiil Ciidan oo ku sugneyd Saldhiga Booliska Waaberi, isla markaana geystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray Saraakiil Ciidan.
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku baaqay in loo midoobo, la iskana kaashado la dagaalanka Al-shabaab oo weeraro xiliyada qaarkood ka geysta Caasimadda dalka ee Magaalada Muqdisho.