Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in muwaadiniinta Soomaaliyeed ay xaq u leeyihiin inay isu safri karaan meelkasta oo ay ka joogaan dalka gudihiisa.
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo khudbad taabaneysa dhinacyo kala duwan ka jeediyay munaasabad uu warbixin kaga guddoomay Guddiga dib u heshiisiinta Gobolka Gedo ayaa sheegay in Musharax kasta oo tegi karo deegaan doorashadiisa, isla markaana aysan cid ka hor istaagi karin halka uu rabo.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay inaan la celin karin diyaarad rakaab sida oo u socoto magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaareey ama ka imaaneysa, isagoo faray hay’adda duulista Hawada ee Soomaaliya inay la soo wadaan wixii caqabad ah ee la xiriirta diyaarad la celiyay, si looga qaado tallaaho sharciga waafaqsan.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka dalbaday Guddiga inay dabagal ku sameeyeen oo ay korjoogteeyaan hirgelinta waxyaabaha ka qabsoomay qodobada ay u soo gudbiyeen xafiiskiisa.
RIIX HALKAAN SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA
Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa guddiga uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixiyeen arrinta dib u heshiisiinta Gobolka Gedo, maadaama qodobka Gedo ay caqabad ku ahayd heshiiskii 17 September., haatanna wax badan laga qabtay oo ay harsantahay in Maamulka Gedo lagu soo saaro wareegto.