Ra’iisul Wasaraaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa wareegto uu soo saaray wuxuu ku magacaabey Wasiirka cusub ee Wasaaradda Gaashandhigga, kaasi oo loo magacaabay Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan.
Isla Degreetado kale oo ka soo baxday xafiiska Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre waxaa xilkii looga qaadye Wasiirkii Diinta iyo awqaafta Dr Iimaan C/laahi Cali, waxaana xilka si kumeel gaar ah u sii haynaya Wasiiru Dowlaha Wasaaraddaasi C/xakiin Xuseen Ashkir.
HALKAN KA DAAWO VIDEO
Wasiirka cusub ee Gaashaandhigga ee lamagacaabey Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan waxaa uu hore u ahaa Safiirka Somaliya u fadhiya wadanka Turkuga, waxaana uu xilkan iska casilay bishii October ee Sanadkan.
Wasiirka Warfaafinta C/raxmaan Yariisow ayaa magacaabista iyo xilkaqaadista uu sameeyay Ra’isul Wasaaruhu u xaqiijiyay wakaaladda Wararka ee Sonna, hase yeeshee faahfaahin dheeraad ah oo la xiriirta sababta xilka looga qaaday Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Federaalka.