Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa maanta booqday Markab dagaal oo taagnaa Xeebaha Muqdisho, kaasoo ka mid ah maraakiibta dagaalka ee Midowga Yurub ee ka qeyb qaadanaya howl galka la dagaalanka burcad badeedka ee loogu magac daray ATLANTA.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa diyaarad kuwa qumaatiga u kaca ee Helicopters loo yaqaano ka qaaday garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana ay ku dejisay Markab ka babanayay Calanka Spain oo ka mid ahaa maraakiibta dagaal ee Midowga Yurub.
Kulan ka dhacay Markabka dushiisa ayaa waxaa yeeshay Ra’iisul Wasaaraha, Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Verinique Lorenzo, Taliyaha Howl galka ATALANTA iyo Saraakiil kale
Danjiraha Midowga Yurub ee Soomaaliya Veronique Lorenzo oo saxaafada kula hadashay gudaha markab howlgalka ATLANTA ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay Soomaaliya ka gacan siiyaan dib u soo celinta hey’adaha dowliga ah.
“Waxaan ka wada hadlney weeraradii u dambeeyay iyo sida aan ugu walacsan nahay falalka burcad badeeda, sida ugu wanaagsan oo aan dowladda Soomaaliya ugu caawin karno wax ka qabashada arintaas, anaga muddo dheer ma sii awoodi doono in aan ilaalino xeebaha Soomaaliya, waxaana ka shaqeynaynaa sidii loo heli lahaa in Soomaaliya ay ayadu awoodo in ay ilaashato amnigeed,” ayay tiri MS. Lorenzo.