Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sameeyay guddiga Amniga doorashada, kuwaas oo ka qeyb qaadan doona sugida amniga doorashooyinka dalka.
Guddiga ayaa waxaa uu ka kooban yahay Taliyeyaasha Booliska Heer Federaal, Heer Dowlad Goboleed, Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska AMISOM, waxayna dhammaantood ku shaqeyn doonaan awaamiirta Ra’iisul Wasaaraha.
Xubnaha Guddiga Amni ayaa waxaa ay qorsheynayaan oo ay hagayaan hannaanka amniga doorashada, iyaga oo sidoo kale dejinayaa qorshaha amniga Goobaha ay ka dhacayaan doorashooyinka.
HALKAAN RIIX SI AAD U DAAWATO MUUQAALKA.
Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad Goboleedyada ayaa 27-kii May 2021 heshiis rasmi ah ka gaaray khilaaf muddo ku dhow sanad ka taagnaa qabsoomida doorashada dalka ka dhaceysa.