WARARKA SOOMAALI

Daawo:-R.W Khayre oo Khudbad qiiro leh u jeediyey dhalinyaro isaga timid guud ahaan Somalia Koonfur iyo Waqooyi-Video

Waxaa magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya Shir uga Furmay Dhalinyarada Soomaaliyeed oo isaga yimid Guud ahaanba Gobolada dalka ee Waqooyi iyo Koonfur, waxaana Furitaanka Shirkan kasoo qayb galay R/wasaare Khayre, Xildhibaano, Wakiilka Xoghayaha guud ee QM u qaabilsan dhalinyarada oo safarkeedii ugu horeeyey ku timid Soomaaliya iyo qaar kamid ah danjireyaasha caalamka u fadhiya Soomaaliya.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

R/wasaare Khayre ayaa Khudbad dhinacyo badan taabanaysa wuxuu u jeediyey Dhalinyarada Soomaaliyeed, Isagoo sheegay inay isaga yimaadeen Raaskambooni Ilaa iyo Lowyo-caddo inta u dhaxaysa, wuxuuna xusay  in maanta laga tagay Qabyaalad iyo Qarandumisnimo. “waa laga gudbay waqtigii qabiilka iyo qaran dumiska “ Ayuu yidhi.

“Shaki iigama jiro in dhalinyarada Soomaaliyeed ay yihiin kuwo ku dheer hal-abuur iyo wadaniyadda, sidaas darted waa inaad ka fekertaan wax idinka weyn, waa inaad hiigsataan sidii boqolka sano ee soo socda dhibka looga ilaalin lahaa dalka. Qof walba oo Soomaali ah maanta rajada uu leeyahay waa idinka”ayuu yiri R/Wasaare Xasan Cali Khayre oo tilmaamay dalku inuu marayo waqtigii ugu rajada wanaagsanaayeen dhalinyaradana laga doonayo fursadahaa inay ka faa’iideystaan.

SOMALI NEWS

To Top